Ruto oo maanta wareejin doona 1,080 guri oo ku yaal xaafada Mukuru

0
415

Madaxweyne William Ruto ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah u wareejin doona 1,080 guri oo ku yaalla xaafadda New Mukuru Housing Estate.
Tani ayaa ah wejiga 1 ee mashruuca. Marka la dhammeeyo, dhammaan Guryaha Cusub ee Mukuru ayaa ka koobnaan doona 13,428 guri oo noocyo kala duwan ah.
Talaabadan ayaa waxaa ay calaamad u tahay guul muhiim ah oo ka mid ah Barnaamijka Guryeynta La Awoodi karo ee Dowladda, taasoo muujineysa tillaabooyinka la qaaday si loo xoojiyo bulshooyinka iyada oo loo marayo guryo hufan oo la awoodi karo.