Ruto oo ku baaqay in Afrika ay meesha ka saarto xadidaadda socdaalka dadweynaha

0
347

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyaasha waddamada Afrika laga doonaya inay meesha ka saaraan caqabadaha sida uu hadalka u dhigay ku hor gudban in qaaradda ay barwaaqo gaarto.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay xadidaadda dhanka isku socodka bulshada , adeegyada iyo badeecooyinka.
Ruto ayaa sheegay in xuduudaha siyaasadeed ay yihiin kuwo laga soo gudbay oo caqabad ku ah horumarka sidoo kalena gacan ka gaysanaya in gobolka uu kala qaybsamo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in la dhiso buundooyin saaxiibtinnimo .
Hadalkan ayuu madaxweynaha dalka William Ruto jeediyay xilli la soo bandhigayay warbixinta hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM ay kaga hadleysa xaaladda socdaalka ee bariga iyo geeska Afrika.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.