Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa guddiga Midowga Afrika ku bogaadiyay sida uu uga shaqeynaya isdhexgalka shacabka qaaradda Afrika iyo horumarka waara.
Arrintan ayuuΒ ka sheegay kulankii shanaad ee bartamaha sanadka ee isku dubaridka howlaha Midowga Afrika oo ka qabsoomay xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu madaxweynaha Kenya ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay inuu jiro ganacsi xor ah oo ka dhexeya Afrika.
Ruto ayaa sheegay in aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika uu noqonaya midka ugu wayn caalamka oo ay ku mideysan yihiin 54 dowladood si loo xoojiyo dakhliga oo saboolnimada looga saaro 30 milyan oo qof.
Waxaa suuqan ka faaβiidaysan karo dad gaaraya 1.4 bilyan oo qof oo soo saaraya kobac dhaqaale oo u dhigma ilaa 3.4 triliyoon oo doolar.
Waxaa la saadaalinaya in ganacsiga xorta ah uu sanadka 2035-ta horseedo kobac dhaqaale oo dhan boqolkiiba 7 ama ilaa 450 bilyan oo doolar.
Madaxweyne Ruto ayaa ku baaqay isku filnaansho iyo isbeddel maamul oo lagu sameeyo AU-da.
Waxaa uu xusay inay qasab tahay in Afrika ay qeexdo codkeeda , ay ku dadaasho horumar dhanka warshadaha ah sidoo kalena la hubiyo tayeyn wax ku ool ah oo lagu horumarinaya qaaradda.
William Ruto ayaa sheegay inay suuragal tahay in la soo dhiso qaarad ay shacabkeeda sameeyeen isdhexgal wayn sidoo kalena horumar iyo xasilooni gaarta.
Madaxweynaha dalka ayaa ku celceliyay inay qasab tahay in Afrika ay hoggaamiyaan dadkeeda , madaxdeeda iyo raasimaalkeeda.
Tallaabada ugu horreysa ee la doonayo in la qaado ayuu William Ruto ku sheegay wax ka beddelka Midowga Afrika.
Waxaa uu arrin laga qoomamoodo ku tilmaamay in ugu yaraan 50 sano ka dib xilligii madax bannaanida , ay weli qaaraddu ku tiirsan tahay maalgelin dibadeed si ay qorshaheeda u fuliso.
Ruto ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in meesha laga saaro caqabadaha ku hor gudban Midowga Afrika maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan sax ahayn in ugu yaraan boqolkiiba 60 ee barnaamijyada AU-da ay yihiin kuwo ay maalgeliyaan saaxiibbo dibadeed.
Madaxweynaha ayaa masβuuliyiinta shirka ka qayb galaysay u sheegay in aan la hor istaagi karin isdhexgalka Afrika maadaama uu furaya waddooyin aan horay loo marin oo dhanka horumarka ah.
Kulanka waxaa ka qayb galay madaxweynaha dalka Comoros Azali Assoumani ,Cali Bongo (Gabon), Cabdel Fattax El-Sisi (Masar), Macky Sall (Senegal), Ismaaciil Cumar Gelle (Jabuuti) , Bola Axmad Tinubu (Nigeria), Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika,Moussa Faki iyo masβuuliyiin kale.
ππ πππ πππππ π ππππππππππ ππ ππππ ππππ πππ πππππππππ
President @WilliamsRuto has said it is possible to build a more integrated, prosperous and stable Africa.
He said this must be Africa-driven by its own people, leaders and resources.β¦ pic.twitter.com/HUalIMwCp2
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 16, 2023




