DHEGEYSO:Ruto oo digniin u diray hoggaamiyayaasha hurinaayo kala qayb sanaanta

0
258

Madaxweyne William Ruto ayaa ku eedeeyay hoggaamiyayaasha mucaaradka,kuwa diinta iyo bulshada rayidka inay kicinayaan dhallinyarada si ay u abuuraan kala qayb sanaan ka dhex jirta jiilka cusub.
Isagoo Sabtidii khudbad jeediyay xilli uu ka qayb galay Barnaamijka Isku-dhafan ee Ilaalinta Deegaanka ee Kaptagat oo ka dhacay ismaamulka Elgeyo-Marakwet madaxweynaha ayaa cambaareeyay waxaa uu ugu yeeray kicin siyaasadeed oo masuuliyad darro ah, taasoo sababtay rabshado, burbur hantiyeed, iyo hanjabaado ku wajahan midnimada qaranka.
Madaxweynaha ayaa xusay in qalalaasaha dhawaan laga arkay qaybo ka mid ah dalka uusan ahayn baaq dhab ah oo isbeddel lagu doonayo, balse uu yahay qalqal siyaasadeed oo la abuuray si loogu badbaadiyo mustaqbalka siyaasadeed ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta. Ruto ayaa waxaa uu intaas ku daray inuu diyaar u yahay in lagala xisaabtamo ballan-qaadyadii uu sameeyay, balse waxaa uu ka digay in qaylo siyaasadeed aan lahayn wax fikrad ah aysan shacabka wax u tari doonin. Waxaa uu xaqiijiyay in dowladda si adag uga shaqeyn doonto ilaalinta amniga iyo sharciga.