Ruto oo amar siiyay wasaaradda dowlad wadaajinta

0
541

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasaaradda dowlad wadaajinta ku amray inay dardargeliso sidii shaqooyinka la daadajiyay ay si buuxda ugu warejin lahayd ismaamullada.
Waxaa arrintan ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula oo matalayay Ruto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrintan oo uu dib u dhac ku yimid ay caqabad ku tahay dhaqangelinta nidaamka dowlad wadaajinta.
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale dowladaha ismaamullada ku boorriyay inay mudnaanta koowaad siiyaan xeerarka maaliyadeed iyo bixinta lacagaha deymaha ah.