Ruku oo beeniyay qorsho lagu farogelinaya natiijada doorashada

0
443

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha iyo horumarinta karaanka aadanaha ee dalka Geoffrey Ruku ayaa sheegay in uunan jirin qof ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay madaxweynaha qaranka William Ruto oo qorsheynaya in lagu shubto natiijada doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Waxaa uu shacabka u xaqiijiyay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta dastuurka iyo xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran.
Ruku ayaa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ka sheegay in ay ku kalsoon yihiin geeddisocodka doorashada ee (IEBC).
Wasiirka ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan fulinta waxyaabihii ay kenyaanka u ballan qaadeen.
Waxaa uu mas’uuliyiinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC uu ugu baaqay in ay diyaariyaan dhammaan qorshayaasha lagama maarmaanka ah oo ay dowladduna ku taageeri doonto dhaqaalaha ay u baahan yihiin.