Waxaa isbitaalka heerka afaraad ee ismaamulka Kiambu la geeyay ugu yaraan 20 ruux oo ka mid ah shacabka deegaan baarlamaneedka Ruiru.
Tani ayaa timid ka dib markii dadkan lagu arkay astaamo la xiriira cudurka daacuunka.
Shakhsiyaadkan badankoodu waxay ka soo jeedaan Gatong’ora, Murera iyo Kiratina oo ay labo qof ugu dhinteen xanuunka.
Bishii Tobnaad ee sanadkan ayay ahayd markii ismaamulka Kiambu laga diiwaangeliyey xaaladaha daacuunka oo ah 15 maalmo un ka dib markii dowladda dhexe ay soo saartay digniin ah in xanuunka uu saameeyay 6 dowlad deegaan.