Ugu yaraan 13 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weerar ay ciidamada sida militariga u tababaran ee dalka Suudaan ee RSF ay ka fuliyeen tuulo ku taalla gobolka Gezira ee Bartamaha wadankaasi.
Tuulada la weeraray ee Al-Hurqa ayaa dhanka bari uga beegan magaalada Wad Madani.
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay dhowr qof oo kale oo lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay xoogagga RSF la wareegeen gobolka Gezira oo ay xilligaasi iskaga baxeen ciidamada militariga wadanka Suudaan ee (SAF).
Labada dhinac ayaa waxaa uu dagaal ka dhexeeyay laga soo billaabo 15-kii bishii Afaraad ee sanadkii 2023-kii.
Waxaa isku dhacyada ku dhintay ilaa 15,550 oo qof halka ay ku barakaceen 8.7 milyan sida laga soo xigtay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda arrimaha baniaadannimo ee OCHA.