RSF oo siidaysay 125 sarkaal oo ay haysatay

0
258

Guddiga caalamiga ee hay’adda laanqayrta cas ee (ICRC) ayaa sheegay inuu kala dhexdhexaadiyay dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudan.
Tani ayaa horseedday in saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ay siidaayeen 125 sarkaal oo ay horay gacanta ugu dhigeen kuwaasoo lagu tilmaamay maxaabiis dagaal.
ICRC ayaa laga soo xigtay in ciidamadan ay dib ula midoobeen qoysaskooda .
Guddiga ayaa intaasi ku daray in 44 ka mid ah askartan ay qabaan dhaawacyo la gaarsiiyay.
Ciidamada la soo daayay ayaa laga waday caasimadda dalkaasi ee Khartoum waxaana loo qaaday magaalada Wad Madani ee gobolka Jazirah ee wadanka Suudaan.
Dagaallada ka taagan Suudaan ee u dhexeya ciidamada militariga iyo RSF ayaa soo billowday bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan.