RSF oo ku dhawaaqday xabbad joojin

0
321

Ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin shaqeynaysa 72 saacadood.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in xabbad joojintan ay dhaqan gashay 6-dii aroornimo ee saaka.
Dagaallada u dhexeya RSF iyo ciidamada qalabka sida ee Suudaan oo soo billowday Sabtidii ayaa waxaa ka dhalatay saameyn isugu jirta dhimasho iyo dhaawac labaduba.