Wakiil wareedyada aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa cambaareeyay dil Qaza loogu gaystay 5 ka mid ahaa shaqaalaha warbaahinta Aljazeera.
Waxaa sidoo kale ay Israa’iil dishay wariye madax bannaan oo lagu magacaabayay Maxammad Al-Khaldi.
Waxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ugu baaqday inuu yeesho kulan ku saabsan badbaadinta suxufiyiinta.
Bayaanka hay’adda wakiillada aan xuduudda lahayn ee RSF waxaa ku cad in falkaasi ay si kulul u cambaareynaysa waxayna intaasi ku dartay in Israa’iil ay isku daydey in ay qiil u raadiso dilalka iyadoo adeegsanaysa xeelad la garanaya oo eedeynaysa bartilmaameedsigeeda.
Hay’adda ayaa xustay in Israa’iil ay wariye Anas al-Sharif ku eedeysay argagixisannimo in kastoo aynan caddeyn soo bandhigin.
RSF ayaa hoosta ka xarriiqday in ay qasab tahay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu yeesho kulan degdeg oo ka dhan ah dilalka wariyaasha si waafaqsan qaraarkii 2222 ee sanadkii 2015-kii ee badbaadinta wariyaasha ku sugan meelaha ay colaaduhu ka jiraan.
Hay’addan ayaa intaasi ku dartay in haddii beesha caalamka aynan tallaabo adag ka qaadin militariga Israa’iil in ay dhici karaan dilal dheeraad oo sharci darro ah oo ka dhan ah wariyaasha.