Roobabka gudaha dalka kenya oo la saadaalinaya in ay yaraadaan

0
669

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya inay yaraadaan roobabka ka da’aya gudaha waddanka.
Bayaan ay soo saartay ayay ku xustay in maalmihii la soo dhaafay gobollo dhowr ah ay ka da’een roobab dhexe iyo kuwa culus.
Waxay waaxdu intaasi ku dartay in aagga harada Victoria , Galbeedka iyo Bariga buuraleyda Rift Valley iyo deegaanno u dhow ismaamulka Nairobi in ay ka da’i karaan roobab goos-goos ah.
Saadaasha waxaa ay tilmaamaysa in Waqooyi Bari, Waqooyiga Galbeed ee dalka iyo Koonfurta Bari ay inta badan sii ahaan doonaan kuwo qallalan.