Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobab culus oo ka da’aya qaybo ka mid ah wadanka ay sii jiraan ilaa Sabtida soo socoto ee 29-ka bishan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha waaxdan Dr. David Gikungu.
Waxaa uu sheegay in roobabka ay heer ahaan gaari karaan 30 milimitar gaar ahaan dhanka buuraha sare ee bariga dalka, Nairobi ,Koonfurta iyo Bartamaha Rift Valley, meelaha joog ahaan hooseeya ee Koonfurta Bari , dhanka Koonfurta Xeebeed iyo qayaha Waqooyi Bari.
Waxaa uu agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka sheegay in meelaha walaaca laga muujinaya ay ka mid tahay Kiambu sidaasi awgeedna dadweynaha halkaasi ku nool uu ku boorrinaya inay ka taxadaraan daadadka.




