Roobab xooggan oo laga filayaa qaybo ka mid ah dalka laga bilaabo Khamiista

0
111

Roobab xooggan ayaa laga filayaa qaybo badan oo ka mid ah dalka laga bilaabo Khamiista, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta Hay’adda Saadaasha Hawada ee dalka. Roobabka ayaa bilaaban doonaan si fudud bilowga toddobaadkan, balse wa ay sii xoogeysan doonaan laga bilaabo maalinta Khamiista ah, iyadoo meelo qaar ay la socon doonaan duufaano iyo roob galabnimo iyo habeenimo ah.
Saadaasha ayaa digniin u dirtay dadka ku nool deegaanada ay roobabka xooggan saameyn karaan, iyagoo looga digay daadad dhaca iyo in la raaco tilmaamaha badbaadada.