Roobab la rajeynaya toddobaadkan

0
343

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in dhawaan ay billowdaan roobab muddo dheer soconaya oo horay u di’i jiray inta u dhexeysa bisha Saddexaad ilaa bisha Shanaad ee sanadka.
Waxay waaxdu hoosta ka xarriiqday in roobabkan ay ka di’i karaan ismaamullada Siaya, Kisumu, Homa bay, Migori, Kisii, Nyamira, Trans Nzoia, Baringo, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Nandi, Laikipia, Nakuru, Narok, Kericho, Bomet, Kakamega iyo Bungoma .
Beeralayda ku nool dowlad deegaannadan ayaa loogu baaqay inay kaashadaan wasaaradda beeraha si loo siiyo talooyinka muhiimka ah ee dhanka abuurka.
Roobabka ayaa la rajeynaya inay ku sii fidaan ismaamullada Nairobi, Nyandarua, Nyeri, Meru, Embu, Kirinyaga, Muranga, Kiambu Tharaka Nithi iyo qaybaha kale ee dalka.
Saadaasha ayaa tilmaamaysa in heerarka roobabka ay kordhi karaan laga billaabo Arbacada.