Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in ilaa iyo Arbacada ay qaybo badan oo wadanka ka mid ah roobab culus ka sii da’aan.
Agaasimaha guud ee waaxda KMD Kennedy Thiong’o ayaa dhanka kale ka digay dabeylo ay u badan tahay in ay saameeyaan deegaannada qaar.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in la filaya in Waqooyi Bari Kenya ay weli sii ahaato mid qallalan oo ay qorraxdu kulushahay.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa heerkulka ka jira ismaamullada Marsabit, Mandera, Wajeer, Garissa, iyo Isiolo ku sheegtay ugu badnaan 40 degrees Celsius iyo ugu yaraan 19.