Roobab dheeraad ah oo la filayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah dalka

0
561

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in 24-ka saacadood ee nagu soo aaddan gudahood la rajeynayo in roobab dheeraad ah ay ka da’aan deegaannada hoos tago Nairobi, bartamaha wadanka iyo gobolka Rift Valley .
Ismaamullada la saadaalinaya in laga roobaysan karo waxaa ka mid ah Nairobi, Kiambu, Nyandarua, Meru, Embu iyo Nyeri .
Dadweynaha ku nool dowlad deegaannada Kajiado, Bomet, Kericho, Nakuru, Narok, Kisii iyo Nyamira ayaa lagu wargeliyay inay isku diyaariyaan roobab ay u badan tahay inay socdaan ilaa maalinka Arbacada.
Bayaanka waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa waxaa qayb ka ah in galinka dambe ee maanta ay roobab aan badneyn ka da’i karaan qaybo ka mid ah galbeedka Pokot , Trans Nzoia, Nandi, Kakamega, Busia iyo Taita Taveta .