Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobab culus ay maanta ka billowdaan waddanka.
Meelaha la filaya in ay roobabka ka da’aan waxaa ka mid ah aagga Harada Victoria, gobolka Rift Valley gaar ahaan dhanka galbeed ee buuralayda iyo sidoo kale bariga.
Bayaanka waxaa ku cad in roobabka oo sidoo kale ka da’i doono Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari ay sii jiri doonaan maalmaha nagu soo aadaan.