Roobab culus oo la filaya in ay ka da’aan qaybo ka mid ah Kenya

0
523

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya laga billaabo maanta ilaa Isniinta soo socoto in ay roobab xooggan ka da’aan Buuraleyda Bartamaha , Galbeedka dalka , Bartamaha gobolka Rift Valley iyo Waqooyi Galbeed.
Sidoo kale , waxay waaxdan sheegtay in deegaannadan laga dareemi doono qabow aan joogto ahayn.
Qaybaha kale ee waddanka ayay hoosta ka xarriiqday in la filaya in ay noqdaan kuwo qallalan.
Waxay intaasi ku dartay in qaybo ka mid ah gobollada Xeebta , Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed maalinkii laga dareemi doono heerkul kor u dhaafaya 30°C .