Roob la saadaalinaya inuu ka da’o Galbeedka iyo Waqooyi Bari

0
519

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobab culus ay ka da’aan gobolka Galbeedka Kenya.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee waaxdan David Gikungu .
Mas’uulkan ayaa xusay in qaybo ka mid ah Bartamaha dalka , Waqooyi Bari iyo Koonfurta Bari ay ka da’i doonaan roobab aan badnayn.
Gikungu ayaa saadaashan ku soo bandhigay kulan ay soo qaban qaabisay hay’adda laanqayrta cas ee dalka oo lagu qabtay ismaamulka Nakuru.
Waxaa shirkaasi ka qayb galay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda gaar ahaan wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha.