DHEGEYSO:Rigathi Gachagua oo si dadban u weeraray damaca Madaxeyne-nimo ee Matiangi’

0
335

kala aragti duwawananta ka dhex jira mucaaradka khilaafka ayaa sii xoogeysanaya iyadoo madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua uu weerar ku qaaday qaar ka mid ah musharixiinta u hanqal taagaya xilka madaxtinimada, kuwaasoo uu sheegay inay doonayaan inay xilka kaga xayuubiyaan madaxweyne William iyagoo ku kulmay hoteelo, waxayna baraha bulshada ku soo bandhigeen dhaqdhaqaaqooda siyaasdeed.
Kooxda mucaaradka oo isu soo bax ku qabtay ismaamulka Kajiado ayaa ka soo horjeestay in shirkadda dhuumaha qaada ee Kenya (KPC) laga dhigo mid gaar loo leeyahay, iyaga oo wali ku adkeysanaya go’aankooda ah in madaxweyne Ruto ay ka dhigaan madaxweyne hal xilli ah.
Kooxdan oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa balan qaaday in ay xilka ka qaadi doonaan madaxweyne Ruto doorashada guud ee 2027-ka.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Gachagua ayaa dhaliil u jeediyay qaar ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Matiang’i, ayaa hoos u dhigay kala duwanaanshaha sii kordhay ee usbuucii la soo dhaafay.