Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa hoggaamiyaasha gobolka Bartamaha wadanka ku boorriyay inay midoobaan oo ay ka waantoobaan siyaasadda kala qaybinta ku saleysan.
Waxaa uu madaxda kula taliyay inay ka shaqeeyaan sidii ay dhallinyarada uga dhex muuqan lahaayeen howlaha wax ku oolka ah ee bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Gachagua ayaa xalay ismaamulka Kiambu ka sheegay inay jirto xeelad siyaasadeed oo la doonaya in lagu kala qaybiyo bartamaha dalka balse aan taasi lagu guulaysan doonin.
Waxaa uu sheegay in kala qaybsanaan jirtay sanadihii 1992-dii iyo 1997-dii ay saameyn siyaasadeed ku yeelatay gobolkaasi balse laga soo billaabo 2002-dii inay xoojiyeen midnimadooda.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in iskuday kasta oo la sameeyo uunan horseedi doonin in mar kale la kala geeyo madaxda iyo shacabka Mount Kenya maadaama ay door wayn ku leeyihiin u codeynta xilka madaxtinnimo.