Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA ahna xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri , Rigathi Gachagua ayay maxkamaddu ku amartay inuu lacag dhan 202 milyan oo shilin ku wareejiyo dowladda.
Tani ayaa timid ka dib markii uu ku guul dareystay inuu caddeeyo qaabkii uu hantidan ku helay.
Waxaa amarka maxkamadda soo saartay garsoore Esther Maina oo ka howlgasho qaybta dhageysata kiisaska la xiriira musuqmaasuqa.
Waxay xaakinka hoosta ka xarriiqday in Gachagua uu qirtay inuu lacagtan ka helay hay’adaha dowladda hasa ahaate uunan soo bandhigin caddeyn ku saabsan adeegyo uu fidiyay ama badeecooyin uu hay’adahan gaarsiiyay.
Garsooraha ayaa intaasi ku dartay in lacagtan ay ku keydsan tahay ilaa afar akoon oo bangiyadeed oo saddex ka mid ah lagu diiwaangeliyay magaca xildhibaanka halka midka afaraad lagu diiwaangeliyay magaca shirkadda Jenne Enterprises.
Garsoore Esther Maina ayaa xustay inay si qoto dheer u eegtay qoraallada ay ka midka yihiin warqadaha dhaarashada ee loo gudbiyay maxkamadda oo ay u soo baxday in hantidan ay dowladdu la wareegto.
Sidoo kale waxay carrabka ku adkeysay in maamulka dib u hanashada hantida ee (ARA) uu cadeeyay in xildhibaanka iyo shirkadihiisa ay lacagahan ka macaasheen in kastoo uunan adeegyo u fidin ama agab ku wareejin wasaaradaha iyo hay’ado uu sheegay inuu qandaraasyo ka helay.
Lacagahan ayay maxkamaddu sheegtay in xildhibaanka Mathira , Rigathi Gachagua uu ka helay wasaaradda arrimaha dhulalka gaar ahaan barnaamijka deegamaynta xaafadaha aan rasmiga ahayn, waaxda dowladda ee qorsheynta gaarka ah , wasaaradda caafimaadka , dowladda ismaamulka Bungoma, sanduuqa horumarinta deegaanka Mathira, ismaamulka Nyeri iyo guddiga qaran ee waraabka.