ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ku gacan seyray hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan sheegay in hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dowladda dhexe aysan waajibaadkooda ka soo bixin, islamarkaana ay ku mashquuleen waxyaabo laga soo gudbay.
Hasa ahaate Rigathi Gachagua ayaa ku dooday in casharro muhiim ah laga bartay dhacdooyinkii hore kaas oo lagu jihayn karo dalka.