Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa xilli uu maanta khudbad ka jeedinayay munaasabadda maalinta qaran ee halyeeyada u hambalyeeyay dhammaan madaxdii la soo doortay doorashadii guud ee dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu xusuusiyay in la joogo wakhtigii wax la qaban lahaa, islamarkaana loo adeegi lahaa dadweynaha.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xusay in caqabadaha dhaqaale ee wadanka ka jira ay saameeyeen dhammaan Kenyaanka.
Waxaa uu dhammaan dadweynaha ugu baaqay inay qayb ka noqdaan kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Mr. Gachagua ayaa dhanka kale u xaqiijiyay madaxweynaha dalka William Ruto ballanqaadkiisi ahaa in isagoo ku xigeenkiisa ah uu habeen iyo maalinba kaa caawin doona wax u qabashada dadka Kenyaanka ah iyo u adeegidda qaranka.




