Rasaas ka dhex dhacday garoonka Jijjiga oo sababtay geerida xildhibaanad Juweeriya

0
369

Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo lagu magacaabi jiray Juweeriya Subcis ayaa ku geeriyootay rasaas galabta ka dhex dhacday garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga.
Rasaasta oo uu riday askari ka mid ah ilaalada garoonka ayaa sababtay dhaawaca shan qof oo kale.
Xildhibaanadda geeriyootay oo laga soo doortay gobolka Doolo ayaa waqti badan ka shaqeyneysay howlaha gargaarka.
Lama oga sababta rasmiga ah ee uu askariga rasaasta u furay, hase yeeshee, dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka dambeysay markii ay murmeen askari kale oo ay kawada tirsan yihiin ciidanka federaalka ee ilaaliya amniga garoonka.
Dhaawacyada ayaa intooda badan ahaa rakaab ka dhoofayay garoonka.
Falkan wuxuu hakiyay howshii garoonka diyaaradaha.
Ciidanka Liyuu boolis oo goobta gaaray ayaa xiray askariga rasaasta furay.
Dhanka kale taliyaha booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Maxamad Xasan, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askariga ka tirsan ciidamada Federaalka Itoobiya ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga, kaas oo rasaas uu furay ay dhimashada xildhibaannada sababtay.
Waxaa uu sheegay in aanan weli la ogeyn sababta uu askarigaasi xabadda ugu furay dadkii safrayay, balse uu socdo baaritaan.