Raphael Tuju oo loo magacaabay agaasimaha fulinta ee Azimio

0
808

Xoghayihii guud ee hore ee xisbiga Jubilee ,Raphael Tuju ayaa loo magacaabay agaasimaha fulinta ee xoghaynta isbeheysiga Azimio La Umoja ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Agaasimaha isgaarsiinta ee Azimio Dennis Onyango ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in Tuju uu sida ugu dhakhsiyaha badan xafiiska ula wareegaya.
Waxaa uu isku dubaridi doonaa howlaha in ka badan 20 xisbi oo ka tirsan isbeheysiga Azimio.
Mr.Onyango ayaa xusay in Tuju uu hoggaamin doono kooxaha iyo barnaamijyada istaraatiijiga ee ka shaqeynaya sidii Raila Odinga uu xilka madaxtinnimo ugu guulaysan lahaa 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
26-kii bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii Raphael Tuju uu iska casilay xilka xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee iyo ka mid ahaanshaha golaha wasiirrada ee maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu xilligaasi sheegay inuu xoogga saari doono dano kale oo siyaasadeed.