Raila: Waxaan haynaa caddeymo buuxa oo muujinaya inaan anaga guuleysanay

0
331

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo galabta warbaahinta kula hadlay xarunta shirarka caalamiga ee KICC magaalada Nairobi, ka dib markii maanta dacwad uu uga soo horjeedo natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo, ayuu sheegay in shakhsiyaadka wax musuqmaasuqa ay wax u dhimeem doorashadii dalka ka qabsoontay labo toddobaad ka hor, taas oo keentay in wax laga beddelo hannaanka codeynta.
“Waxaan haynaa caddeymo buuxo oo muujinaya in aan aniga xilka madaxtinimo ku guuleystay, islamarkaana maanta dacwadda aan qabno u gudbinay maxkamadda”
“Sidoo kale shakhsiyaadkii naga dhacay codadkeena waxay billaabeen inay iibsadaan madax la soo doortay kuwaas oo ka tirsanaa xisbiyo kale” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya
Raila ayaa xusay in kala qaybsanaantii guddiga IEBC ay tusaale cad u tahay in qaladaad ay dhaceen.
Dhanka kale afar qof oo Kenyaan ah ayaa iyagana maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ay uga soo horjeedaan natiijadii xilka madaxtinimo ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Wafula Chebukati.
Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ee Supreme Court ayaa laga doonaya inay 14 cisho gudahooda go’aan uga soo saarto dacwadda uu maanta gudbiyay Raila Odinga ee u uga soo horjeedo natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Kenya ay taariikh dhigtay ka dib markii maxkamadda Supreme Court ay noqotay midii ugu horreysay ee qaaradda Afrika oo laashay natiijada doorasho madaxtinnimo.