Raila, Ruto iyo Martha Karua oo ka tacsiyeeyay shil ay dad badan ku dhinteen

0
513

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa tacsi u diray dadkii eheladooda ku waayay shilkii ka dhacay buundo ku taalla ismaamulka Tharaka Nithi oo ay dad badan ku dhinteen.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen labadan hoggaamiye ayay dhanka kale caafimaad degdeg ah u rajeeyeen dadkii dhaawacyada ka soo gaareen shilka oo haatan xarumaha caafimaadka xaaladooda lagula tacaalayo.
Raila iyo Karua ayaa sidoo kale ka codsaday wadayaasha baabuurta in ay taxadar muujiyaan oo ay ilaaliyaan xeerka waddooyinka inta ay waddada ku jiraan.
Waxaa sidoo kale tacsi tan la mid ah diray madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza, William Ruto, isagoona darawalada ku boorriyay inay taxaddaraan.
Dhanka kale maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) ayaa hakiyay dhammaan howlihii shirkadda basaska ee Modern Coast oo mid ka mid ah basaskooda uu galay shilka ay dadka badan ku dhinteen..
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo dhimashada ka dhalatay shilka ay haatan kor u dhaaftay 33 qof.
Baska oo ka yimid ismaamulka Meru kuna sii jeeday magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa darawalkii waday kontaroolka lumiyay.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in dhimashada ay sare u kacday maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah.
Baabuurka baska ah oo siday rakaabka ayaa ku dhacay buundada Tharaka Nithi ka hor inta uusan ku sii dhicin wabi goobtaasi ka ag dhawaa oo 40 mitiri hoos ugu jiray.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Tharaka Nithi Nobert Komora ayaa xaqiijiyay in rakaabka kale ay dhaawacyadu culus soo gaareen lagu daweynayo xarumaha caafimaadka ee dowlad deegaankaasi.
Baska shilka xun galay ayaa waxaa lahayd shirkadda basaska ee Modern Coast.