Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya Raila Odinga ayaa siyaasiyiin ka tirsan isbeheysigan oo dhawaan la kulmay madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inay is casilaan.
Waxaa uu sheegay inuusan xubnaha ODM ee kulankaasi ka qayb galay fasax u siin tallaabada ay qaadeen.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in hoggaamiyaashan ay khiyaaneen xisbigooda sidaas awgeedna looga baahan yahay inay xafiisyada banneeyaan.
Waxaa uu madaxa Azimio ku doodaya in arrimaha horumarka looga hadlo baarlamaanka sidaas awgeedna aynan jirin sabab xildhibaannada ku qasabtay inay la shiraan William Ruto oo uu Odinga horay u shaaciyay inuusan u aqoonsanayn madaxweyne si sharci ah ku soo baxay.