Raila oo walaac ka muujiyay dilka iyo afduubka carruurta iyo haweenka

0
476

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa walaac ka muujiyay gobodfallada ka dhanka ah afduubka iyo dilka ah ee loo geysanaya carruurta, gabdhaha yar yar iyo haweenka ee muddoyinka dambe dalka kusoo batay.
Waxaa uu sheegay in carruur aad u tiro badan, gabdho iyo haween ee muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku dhinteen gacanta dad ayaga badqabkooda ilaalin lahaa.
Mr Odinga ayaa xusay in carruurta laga wadanaya guryahooda, goobaha ay ku ciyaaraan wadada loo maro ama looga baxo iskuulka iyadoo ka dib dad waaweyn ay dhallanka dilayaan.
Waxaa uu intaa ku daray in falalka noocan marnaba la aqbaleyn, islamarkaana la doonaya in la qaado tallaabo deg deg ah.
Ra’iisul wasaarihii ee dalka ayaa ciidamada booliska ugu baaqay inay xaqiijiyaan badqabka iyo ilaalinta carruurta, gabdhaha iyo haweenka.
Raila Odinga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in waaxda garsoorka ee dalka laga doonayo inay xaqiijiso in cadaalad ay helaan qoysaska eheladooda lagu xadgudbo.
Waxaa uu sheegay inay dhacdo in haweenka iyo gabdhaha la faraxumeeyo qaar ka mid ahna la dilo balse ay muddo dheer qaadato in dadkii dhibaatooyinkaasi gaystay lala xisaabtamo.