Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka Suudaanta Koonfureed Salva Kiir uga mahadceliyay inuu taageeray musharraxnimadiisa ku aaddan xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC).
Raila ayaa bartiisa rasmiga ee X ku sheegay in Salva Kiir uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da ka dhaadhiciyo in ay garab istaagto Mr. Odinga.
Waxaa uu xusay in ay magaalada Juba ee Suudaanta Koonfureed ku yeesheen kulan miro-dhal ah.
Home Wararka Kenya Raila oo soo dhaweeyay in madaxweynaha Suudaanta Koonfureed uu taageeraya musharraxnimadiisa AU-da