Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in kulamada dadweyne ee ay shaaciyeen inay qaban doonaan 7-da iyo 12-ka bishan Diseembar ay yihiin kuwo nabad ah oo ay dadweynaha kula tashanayaan.
Madaxa Azimio Raila Odinga ayaa cadeeyay in aynan qorsheynayn dibadbaxyo sida la baahiyay.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo ku sugnaa Embu ay sheegeen in mucaaradka ay xor u yihiin inay mudaaharaad sameeyaan haddii aan waxyeello loo gaysanayn shacabka iyo hantidooda.
Mr. Odinga ayaa tilmaamay inuunan wax isbeddel ku imaan qorshahoodii ahaa in Arbacada soo socoto ee 7-da bishan 12-aad ay isku soo bax dadweyne ku qabtaan fagaaraha Kamukunji Grounds ee ismaamulka Nairobi.
Hasa ahaate kulan dadweyne oo ay 12-ka Diseembar sheegeen inay isla goobtaasi ku qaban doonaan ayuu Odinga maanta shaaciyay in loo beddelay fagaaraha Jacaranda Gardens ee xaafadda Embakasi ee caasimadda dalka.
Waxaa uu xusay in maadaama maalinkaasi madaxweynaha dalka William Ruto uu shacabka ku hoggaamin doono xuska qaran ee Jamhuri Day in mucaaradka ay qaban doonaan munaasabad taasi barbar socoto.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inay si nabad ah ula kulmi doonaan sida uu hadalka u dhigay dadka ay waddaniyadu ku wayn tahay.
Waxaa uu ku celceliyay in haddii ay mudaaharaad sameynayaan ay keliya ku wargelinayaan ciidamada booliiska balse aynan marnaba doonayn in dibadbax dhaco looga faa’iidaysto boob hantiyeed iyo falal kale.
Raila ayaa dowladda ugu baaqay inaynan faragelin isku soo baxyada dadweyne ee qorsheysan.
It has been said jokingly in the past that whereas other countries have a mafia, in Kenya the mafia have a country.
This is now officially true. Between the appointees and the president, they are as thick as thieves. 6/6
— Raila Odinga (@RailaOdinga) December 5, 2022
We are seeing a pattern:
People facing serious criminal cases like money laundering, fraud and giving kickbacks are appointed to critical positions, including leadership of the very institutions that have taken them to court.
Ruto is slowly imposing a mafia state on Kenya. 5/6
— Raila Odinga (@RailaOdinga) December 5, 2022
Ours will be a celebration by patriots.
It will be Jamuhuri ya Wazalendo; men and women who have made sacrifices for this country and who know where the country was supposed to go.
We are also concerned about the very brazen attack on Chapter Six of our constitution. 4/6
— Raila Odinga (@RailaOdinga) December 5, 2022




