Raila oo safar ku tagaya Koonfur Afrika

0
333

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa la filayaa inuu safar qaadanaya muddo toddobaad ah uu ku tago dalka Koonfur Afrika.
Waxaa sidan warbaahinta u sheegay afhayeenka Odinga ,Dennis Onyango.
Bayaan uu la wadaagay saxaafadda ayuu ku xusay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu wadanka ka maqnaan doono hal isbuuc.
Mr. Onyango ayaa sheegay in Mr. Odinga oo sidoo kale ah wakiilka sare ee Midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha uu ka qayb geli doono kulamo kala duwan.
Mr. Odinga ayaa la kulmi doono madaxa fulinta ee wakaaladda horumarinta ee Midowga Afrika (AUDA) Nardos BekeleThomas.
Shirka ayaa dib loogu eegi doonaa horumarka laga gaaray qorsho howleedka labaad ee mudnaanta lagu siinaya barnaamijka horumarinta kaabayaasha Afrika (PIDA-PAP2) oo ah mashaariic istaraatiiji ah oo ay soo jeediyeen jaaliyadaha arrimaha dhaqaalaha ee gobolka iyo waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ee AU-da si loo dhaqangeliyo ugu dambeyn sanadka 2030-ka.
Waxaa uu qorshahan ka kooban yahay ilaa 69 mashaariic oo la xiriira tamarta , gaadiidka, biyo xudduudeedka, warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.
Dennis Onyango ayaa intaasi ku daray in Raila Odinga uu shirar la qaadan doono hoggaamiyaasha Koonfur Afrika ee ka tirsan dowladda , ganacsiyada iyo hay’adaha aan dowliga ahayn.