Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa shaaciyay in Arbacada soo socoto fagaaraha Kamukunji Grounds ee magaalada Nairobi lagu qaban doono kulan dadweyne.
Waxaa uu sheegay inay kenyaanka fursad u siin doonaan inay taageero u muujiyaan afar ka mid ah saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashoyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC oo dacwado laga gudbiyay.
Saraakiishan ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkan ka soo horjeestay natiijadii doorashada guud ka hor inta aan lagu dhawaaqin iyagoo guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ku eedeyay inuu howshaasi u maareeyay si uu mugdi ku jiro.
Howlwadeennada ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera, Irene Masit, Francis Wanderi iyo Justus Nyang’aya.
Waxaa shakhsiyaadkan baaritaano soo billowday Khamiistii hore ku sameynaya guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha garsoorka iyo dastuurka ee JLAC oo afar dacwadood loo gudbiyay.
Hasa ahaate ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Kisumu sheegay inay arrintan ka soo horjeedaan.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilay inuu doonayo in xafiisyada laga saaro saraakiisha uu Raila ku andacoonaya inay ka run sheegeen hannaankii doorasho si loogu beddelo kuwo dowladda ka ag-dhow.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay in kulanka Arbacada shacabka lagu waydiin doono inay oggol yihiin in xilalka laga qaado saraakiishan.
Waxaa uu intaasi ku daray in shirar noocani ah lagu qaban doono ismaamullada Mombasa, Nakuru, Kisumu iyo Kakamega.