Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga ayaa hakiyay dibadbaxyo ay horay u qorsheeyeen inay berri ka dhigaan gudaha wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu galabta aqbalay in qodobka ay tabanayeen mucaaradka ee la xiriira shaqaaleysiinta saraakiisha cusub ee IEBC looga wada hadlo qaab baarlamaani ah.
Raila Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay inay tixgeliyeen baaqii madaxweynaha ee ahaa in dibadbaxyada meesha laga saaro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay doonayaan in arrintan IEBC loo galo qaab dheellitiran oo ay xita qayb ka yihiin khuburro ka madax bannaan baarlamaanka.
Madaxa Azimio ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ku saabsan arrimaha ay saluugsan yihiin.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in haddii wada hadallada ay noqdaan sida uu hadalka u dhigay kuwo micno la’aan ah inay dib u billaabayaan mudaaharaadyada.
Raila Odinga ayaa sheegay in go’aanka uu ku hakiyey dibadbaxyada uu yimid wada tashi dhinacyo badan ah oo uu la sameeyay madaxda diimeed iyo dhinacyo kale oo dhammaantood kula taliyay inay qaranka u daneeyaan.
Odinga ayaa bayaanka madaxweynaha ee galabta ku tilmaamay mid muhiim ah sidaas awgeedna ay soo dhaweynayaan baaqa wada hadalka oo ayna doonayaan in xita berri la guda galo wada xaajoodyada.
Raila oo la waydiiyey su’aal ku saabsan dalabkoodi ahaa in dowladdu ay hoos u dhigto qiimaha maciishadda ayaa ku jawaabay in qodobkan uu ka mid yahay waxyaabaha ay miiska soo saarayaan marka ay wada hadalladu billowdaan.