Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa si kulul u cambaareeyay ciidamo xalay la soo tabiyay in la geeyay hooyga wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’i ee xaafadda Karen ismaamulka Nairobi.
Mr. Odinga oo halkaasi tagay abaare 10-kii habeennimo ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan marnaba munaasab ahayn in shaqaale hore oo dowladeed xilli dambe gurigiisa ay saraakiil amni tagaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii Matiangi loo haysto dembi uu galay in gacanta lagu dhigi karo subixii si maxkamadda loo geeyo.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa qoraal uu soo saaraya ku sheegay inuunan ka tagi doonin hooyga Fred Matiang’i ilaa ay xaaladdu iska beddelaysa.
I am not leaving Dr Matiangi's home tonight until this matter is resolved. He can count on our support and solidarity as Azimio.
Haramu haitalala! Kenya ni kubwa kushinda mtu yeyote mmoja! 2/2
— Raila Odinga (@RailaOdinga) February 8, 2023
Dr Fred Matiang’i is a former Interior CS and civility demands that the illegitimate regime in place accords him due process and his rights.
We will not allow the dark days of repression to return. We shall stand with him to the end. 1/2
— Raila Odinga (@RailaOdinga) February 8, 2023
Warbaahinta gudaha ee dalka ayaa xalay ku warramaysay in hooyga wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ay tageen saraakiil ka tirsan guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC iyo ciidamo amni.
Waxaa sidoo kale dhacdadaasi ka hadlay qareenka lagu magacaabo Danstan Omari.
Garyaqaanka ayaa warbaahinta u sheegay inuu jiray qorsho la doonayay in lagu xiro Fred Matiang’i in kastoo aan sababta loo caddeyn.
Omari ayaa xusay in saraakiisha ammaanka ay markii dambe halkaasi iskaga soo tageen.
Ilaa iyo hadda dowladda dhexe gaar ahaan adeegga qaran ee booliska ee NPS iyo guddiga la dagaalanka musuqmaaasuqa ee EACC ayaan weli arrintan ka hadlin.




