Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya ,Raila Odinga ayaa beeniyay inuu taageerayo in madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu sanadka 2027-da u tartamo xilka madaxweynenimo.
Odinga ayaa bayaan ku sheegay in amaan uu u jeediyay Kalonzo aan loo fasirin inuu qorshihiisa madaxtinnimo ku taageeraya balse uu caddeynaya in bogaadintaasi ay ahayd inuu uga mahadcelinayay saddex doorasho oo uu garab siiyay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa intaasi ku daray in ay hadda xilli hore tahay in xisbi siyaasadeed uu shaaciyo musharraxiisa madaxweynenimo maadaama ay doorashada guud ka dhiman tahay qiyaastii afar sano.
Madaxa xisbiga ODM ayaa sheegay in hoggaamiye kasta uu fursad siman u haysto inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee sanadka 2027-da taasina ay ku xiran tahay xiriirka kala dhexeya xubnaha xisbigiisa.
Raila Odinga ayaa dhanka kale taageerayaasha isbeheysiga Azimio iyo guud ahaan kenyaanka u xaqiijiyay inuu doonayo inuu door firfircoon ku sii lahaado siyaasadda qaran ilaa doorashada xigta.
Shalay ayay ahayd markii Raila Odinga uu amaanay Kalonzo Musyoka oo uu ku tilmaamay shakhsi lagu kalsoonaan karo.




