Raila Odinga oo sugan dalka Maraykanka

0
321

Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja –One Kenya Raila Odinga ayaa ku sugan dalka Maraykanka, xilli musharrixi ay tartameen William Ruto daqiiqada ka hor loo dhaariyay madaxweynaha 5-aad ee Kenya.
Waxaa sidatan ku warrameysa warbaahinta qaranka ee KBC.
Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa bayaan uu xalay soo saaray ku sheegay inuusan ka qaybgaleyn dhaarinta William Ruto madaama lagu casuumay munaasabaddaan.
Raila ayaa sheegay in William Ruto uu soo wacay kuna casuumay caleemo saarkiisa balse uusan ka qaybgaleyn.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu dalka ka maqan yahay.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay in rumeysan yahay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC aysan qaban doorasho xor iyo xalaal ah islamarkaana go’aanka maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ku ayidday doorashada Ruto uusan ku saleysneyn xaqiiqada iyo sharciga balse uu aqbalay.
Raila ayaa xusay in isbeheysiga Azimio uu dhawaan shaacin doono tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo dimuqraadiyadda dalka, ka dib marka uu wadanka dib ugu soo laabto.
Dhanka kale ku xigeenka hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio Martha Karua ayaa sawir ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter ku sheegtay in wakhtigeeda maanta ku bixineysa cayaarista Golf.