Raila Odinga oo soo gaabiyay Safarkii uu ku tagay dalka Maraykanka

0
400

Hogaamiyaha Azimio ee Raila Odinga ayaa soo gaabiyay safarkii uu ku tagay dalka Mareykanka, isagoona maalinta arbacada Kenya dib ugu soo laaban doono ka hor inta aan la aasin Madaxweyne Mwai Kibaki.
Mr Odinga ayaa doonaya inuu ka qeyb galo aaska Kibaki.
Dhinaca kale Hogaamiyaha xisbiga ODM ahna musharax xilka madaxtinimada ee dalka Raila Odinga ayaa kulan la qaatay ergayga Qaramada Midoobay, isagoona billaabay booqasho toddobaad ah oo uu Mareykanka ku joogayo.
Waxaa uu sido kale mr Odinga dalka Maraykanka kula kulmay mas’uuliyiin ka soo jeeda dalkani Kenya.
Waxaana la filaya inuu kulamo la qaadan doono qurba joogta Kenyaanka ee Maraykanka ku nool oo ay ka mid yihiin ganacsato iyo hoggaamiyeyaal diimeed.
Mr Odinga ayaa inta uu ku sugan yahay wadanka Maraykanka waxaa uu xoojin doona ololahiisa doorashada oo uu ku doonayo xilka madaxtinimada ee Kenya.
Socdaalka Raila Odinga ayaa ku soo beegmaya hal bil ka dib safarkii uu ku tagay Ingiriiska halkaasi oo uu khudbado ka jeediyay xarunta xoghaynta waddamada barwaaq sooranka ee Commonwealth iyo machadka arrimaha caalamiga ee Royal Institute.