Raila Odinga oo socdaal ku tagaya Taita Taveta

0
478

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta.
Waxaa uu halkaasi xarigga kaga jari doonaa mashaariic dhowr oo dhanka biyaha ah oo ay fuliyeen dowladda dhexe iyo midda ismaamulka.
Mashaariicdan ayaa laga hirgeliyay degmada Maktau waxaa uuna Raila sidoo kale indhaindheyn doonaa meelo ay sanado badan ka jirtay caqabad dhinaca biyaha ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hoggaamiyaha ODM uu isku soo baxyo siyaasadeed ku qaban doono magaalooyinka Overseer iyo Mwatate.
Mr. Odinga ayaa dadweynaha halkaasi ku nool ka dhaadhicind doono inay taageeraan qorshihiisa siyaasadeed ee ku saleysan xoojinta midnimada shacabka.