SAWIRRO:Raila Odinga oo sheegay inay Isniin kasta dibadbax sameyn doonaan

0
405

Raila Odinga oo sheegay inay Isniin kasta dibadbax sameyn doonaan
Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya oo uu hor kacayay Raila Odinga ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu Mr. Odinga sheegay in ciidamada ammaanka ay saaka ka hor istaageen inay mudaaharaad ka dhigaan bartamaha magaalada iyagoo adeegsaday sunta dadka ka ilimeysiisa.
Raila ayaa xaafadda Islii ka sheegay in mucaaradka ay Isniin kasta dibadbax sameyn doonaan ilaa iyo inta dowladda dhexe ay ka qaadayso tallaabooyin hoos loogu dhigaya qiimaha maciishadda sidoo kalena laga fulinaya dalabaadyada kale ee ay dowladdu u bandhigeen.

Laamaha ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dad maanta isugu soo baxay xaafadda Islii oo dhageysanayay hadal uu jeedinayay Raila.