DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay in xilka AU uunan caqabad ku noqon doonin siyaasadda mucaaradka

0
233

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ,Raila Odinga ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da aynan taasi saameyn ku yeelan doonin garabka mucaaradka ee dalka.
Waxaa uu sheegay in haddii uu xafiiskaasi qabto uu ka howgeli doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo aan Kenya u jirin masaafo dheer oo dhanka duullimaadka ah.
Raila Odinga ayaa sheegay inuu mar kasta oo loo baahdo diyaar yahay oo uu la shaqeyn doono isbeheysiga uu hadda hoggaamiyo.

Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga AU-da waxaa xeer ahaan aan loo oggolayn inuu door firfircoon ku lahaado siyaasadda maxalliga ah.