Raila Odinga oo sheegay in uu diyaar u yahay la wareegidda xilka guddoomiyaha Midowga Afrika

0
336

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa maanta xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu qabto xilka guddoomiyaha Midowga Afrika ee (AU-da) ka dib wada tashiyo ballaaran oo uu sameeyay.
Arrintan ayuu ka sheegay shir jaraaid oo ay magaaladatani Nairobi ku wada qabteen isaga iyo madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo.
Mr. Odinga ayaa xusay inuu diyaar u yahay u adeegidda Afrika wuxuuna ku baaqay in la mideeyo dadaallada , aragtida iyo kheyraadka lagu horumarinaya qaaradda.
Mr.Obasanjo ayaa Raila Odinga ku tilmaamay shakhsi u qalmo hoggaaminta AU-da wuxuuna dalalka xubnaha ka ah Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) ka codsaday inay taageeraan musharraxnimada ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria ayaa sheegay in uunan wax shaki ah ka qabin in Raila uu yahay qofka ku habboon xilka guddoomiyaha Midowga Afrika sidaasi awgeedna uu rajeynaya in haddii EAC uu garab ka helo, laga taageeri doono guud ahaan qaaradda.
Waxaa uu intaasi ku daray in shakhsiyaadka ku habboon xilka guddoomiyaha Midowga Afrika ay yihiin kuwa horay u soo noqday madaxweynayaal ama ra’iisul wasaarayaal, marka si gaar ah loo eegana la joogo waqtigii fursad la siin lahaa Bariga Afrika.
Obasanjo ayaa tilmaamay in loo baahan yahay qof khibrad leh oo fahansan xaaladaha ay Afrika wajahaysa oo isbeddel sameyn karo haddii uu qabto hoggaanka AU-da.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat lagu wado inuu xafiiska banneeyo bisha Saddexaad ee sanadka dambe.