Raila Odinga oo sheegay in sanadka 2027-ka uu isu soo sharrixi doono xilka madaxtinimo haddii taageerayaashiisa ku dhiirigiliyaan

0
277

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu ka mid noqon doono musharrixiinta u tartami doonta hoggaanka ugu sarreeya ee Kenya ee doorashada guud ee sanadka 2027-ka, haddii taageerayaashiisa arrintan ku dhiirigiliyaan.
Waxaa uu xusay in haddii taageerayaashiisa ay ka codsadaan inuu isu soo sharraxo uu markii lixaad u tartami doono xilka madaxtinimo.
Raila Odinga ayaa xilli uu ismaamulka Homa Bay ka daahfuray ololaha diiwaangelinta xubnaha cusub ee xisbiga ODM, ayuu tilmaamay inuu ku sii jiri doono saaxadda siyasadeed ee wadanka.
Waxaa uu dhallinyarada ugu baaqay inay xubin ka noqdaan xisbiga ODM islamarkaana ay isku diiwaangeliyaan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa dhanka kale sheegay in xisbiga ODM uu noqon doono mid xooggan oo ay xubno badan ku soo biiri doonaan ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-ka.