Raila Odinga oo sheegay in mucaaradka uu mideysan yahay

0
201

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta sheegay in garabka mucaaradka ee dalka uu mideysan yahay oo aynan kala qaybsanaan ka dhex jirin.
Waxaa uu Mr. Odinga beeniyay in xildhibanka deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad uu sidii hore siyaasad ahaan ugu dhaweyn xisbiga uu ka tirsan yahay ee ODM.
Tani ayaa timid ka dib markii hadal hayn ay ka dhalatay in Junet Maxamad oo ah agaasimaha doorashooyinka ee xisbiga ODM uunan ka soo muuqan munaasabadaha siyaasadeed.