Raila Odinga oo sheegay in la bartilmaameedsanaya maareeyaha miisaaniyadda dalka

0
223

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa cambaareeyay tallaabadii shalay lagu xiray ka dibna maxkamadda ismaamulka Mombasa lagu soo taagay maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o.
Waxaa uu Mr. Odinga sheegay in haweeneydan ay wajahaysa bartilmaameedsi siyaasadeed oo sida uu qoraalka u dhigay la doonaya in lagu cabsi geliyo.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay in xariga iyo maxkamadeynta Nyakang’o aynan ahayn mid lama filaan ah.
Waxaa uu bayaan ku sheegay in tani ay tahay iskuday la doonayo in xafiiska looga saaro maareeyaha miisaaniyadda dowladda maadaama ay dhaliil u jeedisay wasaaradda maaliyadda ee dalka.
Margaret Nyakango ayaa xilli ay ka soo hormuuqatay guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed sheegtay in wasaaradda maaliyadda uu ka dhex jiro musuqmaasuq baahsan.
Waxay tusaale u soo qaadatay inay ka war heshay in loo qoondeeyay mushaar ah labo jibbaar inta ay sanadkiiba qaadato.
Waxaa sidoo kale maxkamadeynta Ms Nyakango cambaareysay madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa dhankeeda sheegtay in kiiska ay wajahaysa Margaret Nyakang’o iyo toban eedeysanayaal oo kale uu soo billowday sanadkii 2016-kii.
Waxaa loo haystaa eedeymo ay ka mid tahay in iyadoo adeegsanaysa urur maalgashi oo aan lahayn shati rasmi ah ay qof lagu magacaabo Claudia Mutungi ka dhaceen 29 milyan oo shilin.