Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Mr. Raila Odinga oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid qorshahoodii sidaasi awgeedna mudaaharaadyada ay horay u shaaciyeen ay berri billaaban doonaan abaare 6-da aroornimo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dibadbaxyada ay noqon doonaan kuwo nabad ah oo waafaqsan xeerarka dastuuriga ah ee dalka.
Mr. Odinga ayaa xusay in ciidamada booliiska aynan xilli hore go’aamin karin in mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda dhexe ay noqon doonaan kuwo rabshadeysan oo la mamnuucay isagoo tani ku tilmaamay keli talisnimo iyo hakinta xuquuqda dastuuriga ah.
Raila ayaa mar kale sheegay inay berri cabashooyinkooda u gudbin doonaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC,xafiiska madaxweynaha , wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaran iyo guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa dalbanaya in la furo oo baaritaano dabagal ah lagu sameeyo keydka doorashooyinka ee dalka maadaama ay aaminsan yihiin in wax laga beddelay natiijadii madaxtinnimo ee doorashadii sanadkii hore.
Sidoo kale waxay doonayaan in shaqooyinkoodii lagu soo celiyo afar ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee IEBC oo shaqada laga joojiyay.
Cabashada ay mucaaradka u gudbinayaan xafiiska madaxweynaha ayaa ah in hoos loo dhigo qiimaha cuntooyinka, shidaalka , korontada iyo qarashaadka tacliinta ee laga qaado ardayda.
Wasaaradda maaliyadda ayay sidoo kale doonayaan inay u soo jeediyaan inay ismaamullada ku wareejiso miisaaniyadda aan weli la siin iyo in shaqaalaha dowladda ay xilliga habboon qaataan mushaarkooda billaha ah.
Sidoo kale waxaaa mucaaradka u qorsheysan inay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC kala hadlaan in si ay cadaalad ku dheehan tahay loo shaqaaleysiiyo dadka shacabka ugu adeegaya xafiisyada dowladda , in qowmiyadaha dalka ay geeddisocodkan ka dhex muuqdaan oo aan qabiil gaar ah lagu koobin.
Raila Odinga ayaa maanta sheegay in rabshadda iyo burburka hantiyadeed ee ay booliiska u cuskadeen go’aanka ay ku mamnuuceen dibadbaxyada mucaaradka ay dhaceen ka dib markii ciidamada ammaanka ay billaabeen ka falcelinta dibadbaxyada.
Mr. Odinga ayaa xusay in ilaa iyo hadda aanan cidna loo xirin falkii lagu weeraray beerta qoyska madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo shirkadda Spectre.
Hoggaamiyaha Azimio ayaa sheegay in socdaalkooda uu berri ka billaaban doono xarunta Nairobi Central Park ka hor inta aynan isugu tagin bartamaha caasimadda dalka.
Home Wararka Kenya Raila Odinga oo sheegay in dibadbaxyada berri ay billaaban doonaan 6-da aroornimo




