Raila Odinga oo safar ku tagay Maraykanka

0
415

Waxaa magaalada Washington DC ee Maraykanka gaaray wafdi uu hoggaaminaya madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya , Raila Odinga.
Mr. Odinga oo ay safarkiisa ku wehelinayaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxa xisbiga Narc Kenya ,Martha Karua, barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya, dhigiisa Kisii James Ongwae , senatarka dowlad deegaanka Homa Bay Moses Kajwang, xildhibaankii hore ee deegaanka Aldai, Sally Kosgey ,mudanaha deegaanka Kathiani Robert Mbui , ganacsade Suleyman Shahbaal , Prof. Makau Mutua iyo xubno kale ayaa halkaasi ku sugnaan doono muddo toddobaad ah.
Afhayeenka ololaha madaxweynenimo ee Raila Odinga , Prof.Makau Mutua ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu la kulmi doono qurba joogta Kenyaanka ee Maraykanka ku nool oo ay ka mid yihiin ganacsato iyo hoggaamiyeyaal diimeed.
Mr. Odinga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu filayo in kulamada uu maalmaha nagu soo aaddan la yeelan doono shacabka ku nool Maraykanka ay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool ah.
Socdaalka Raila Odinga ayaa ku soo beegmaya hal bil ka dib safarkii uu ku tagay Ingiriiska halkaasi oo uu khudbado ka jeediyay xarunta xoghaynta waddamada barwaaq sooranka ee Commonwealth iyo machadka arrimaha caalamiga ee Royal Institute.