Siyaasiga rugcadaaga ah ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa maanta lagu wadaa inuu dacwad u gudbiyo maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court, taas oo uu uga soo horjeedo go’aankii guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Wafula Chebukati uu ku shaaciyay in doorashadii guud ee xilka madaxtinimo ee 9-kii bishan uu ku guuleystay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Hasa ahaate afar ka mid ah 7-da saraakiil ee sare ee IEBC oo ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka guddigan Juliana Cherera ay natiijada xilka madaxtinimo dalka ku tilmaameen mid u gaar ah Chebukati.
Raila Odinga ayaa natiijadii uu ku dhawaaqay Chebukati ku tilmaamay waxbo kama jiraan.
“Waxaan cadaaladda ku raadineyna si nabad oo sharci ah” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka xilli uu la kulmay hoggamiyaasha diimaha
Mr.Odinga ayaa intaasi ku daray inay go’aansadeen in sharciga ay adeegsadaan, maadaama sida uu hadalka u dhigay inay hayaan caddeymo muujinaya in doorashadii guud ee xilka madaxtinimo ay ahayd mid la farageliyay.
Raila Odinga iyo isbeheysiga Azimio ayaa haysta ilaa 2-da duhurnimo ee maanta si ay dacwadda ugu gudbiyaan maxkamadda sare ee Supreme Court.
Haddii ay taasi dhicin waxay ka dhigan tahay in William Ruto madaxweynaha shanaad ee Kenya loo dhaarin daarin doono toddobaad ka dib.
Dhanka kale maxkamadda sare ayaa maanta haddii dacwadda loo gudbiyo 14 cisho ka dib go’aan ka soo saari doonto.